ALSHABAAB OO KA BEEN SHEEGTAY DHIMASHADA TAKHAATIIRTA KUUBA.
(SAWIRKA)-TAKHAATIIRTA.
(MUQDISHO)-Marka aad joogtid gudaha dalka Soomaaliya tahayne qof daneeya Wararka caalamka iyo waxyaabihii ku soo kordhay waxa aad maqleysaa waxyaabo kaa Qosliya marka aad Maqashid amaba aad aragtid,ujeedkeygu ma aha inaan hadalka idinku badiyo ee waxa aan rabaa inaan idiin soo gudbiyo War igu cusub horayne aan uga maqal Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya. Kooxda Alshabaab waxa ey weeraro ka gaysataa gudaha dalka Kenya walaw hadda ey yaraadeen ka dib markii hayadaha amniga ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya ey sameeyeen Iskaashi dhinaca amniga ah taasne ey suuratgelisay in waxyaabo badan is bedelaan. Kooxda Alshabaab ayaa Bishii Abriil laba iyo tobankeed sannadkii 2019-kii waxa ey Gobolka Mandheere ey Soomaalidu degto ee dalka Kenya ka soo afduubeen laba nin oo Takhaatiir ah una dhashay dalka Kuuba,labada Takhtar ayaa lagu kala magacaabaa ASSEL HARRERA CORREA kuna takhasusay cuduradda Guud iyo LANDY RODRIGUEZ HERNANDEZ oo ku takhsusay Qaliinka,labadaan takhtar ayey kooxda Alshabaab ku haysay xaruntooda ugu weyn ey ku leeyihiin Gobolka Jubadda dhexe ee magaaladda JILIB,kooxda ayaa la soo sheegay in takhaatiirtaan ey uga faa’iideysan jireen iney u daaweyaan hogaamiyeyaashood bukaan socodka ah sida Axmed Diiriye oo la il daran Xanuunka SOKORTA iyo Mahad Karatey oo isna la il daran cururadda Dhiig Karka iyo Sokorta,shantii sano ey haysteen ayey u ahaayeen takhaatiir iyaga daaweysa kuna hoos nool amaradooda, hadaba maxaa dhacay todobaadkii tegay? Ciidamadda Sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaayo saxibadda caalamka ayaa weeraray degmada Jilib tariikhdu markeey ahayd 15/2/2024-ka weerarka ayaa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin(DRONES) ee laga leeyahay dalka Maraykanka waxaane weerarkaasi ku dhintay labadii takhtar ee u dhashay dalka Kuuba una afduubnaay kooxda Alshabaab sida ey kooxdu sheegtay maanta oo Sabti,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in labada takhtar ee u dhashay dalka Kuuba ey ku dhinteen dagaal culus oo JILIB ku dhexmaray Xoogag kala taabacsan labada hogaamiye ee iksu haayo Hogaanka kooxda Alshabaab kalana ah Axmed Diiriye(Abu Cubeyda) iyo Mahad Karatey,dagaalka ayaa dhacay maalintii Talaadada ahayd bisha Feberaayana ey ahayd 13-ka. Abu Cubeyda ayaa isku dayey inuu takhaatiirta geeyo dhinaca uu ka maamulo degmada Jilib halka xoogaga taageero Mahad Karatey ey iska diideen arrinkaas dagaalna ey qaadeen sidaasne ey ku naf waayeen labadii takhtar ee reer Kuuba. In kooxda Alshabaab isu ekeysiiso Xarkada Xamaas ayaa ah mid lala yaabay oo dhimashada takhatiirka ku baxda gacantooda ey ka dhigeen mideey dileen diyaaradaha Drones-ka ee dalka Maraykanka ee habeen iyo maalin dul taagan degmada Jilib.FADLAN LINK-GA HOOSE KA AKHRISO WIXI LAGA QORAY AFDUUBKA TAKHAATIIRTA REER KUUBA.
ISHA.SB-MEDIA.