LABA QARAX OO MUQDISHO LAGU FASHILIYEY MAANTA.
(SAWIRKA)-NINKII RABAY INUU ISKU QARXIYO DEGMADA C/CASIIS.
(MUQDISHO)-Wararka laha helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadaha Amniga ee caasimadda iney gacanta ku soo dhigeen nin la sheegay inuu is qarxin rabay,arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ninka la qabta ayaa waxa la socday laba kale waxa eyna wateen Boorso kuwa dhabarka lagu qaato ah,ciidamadda ilaaladda shacabka ee caasimadda Muqdisho ayaa la sheegay iney ka shakiyeen seddexda nin dabadeena ey istaajiyeen si ey baaraan balse laba ka mid ah seddex nin ayaa ka baxsaday goobtii waxaane la qabtay mid ayaga ka mid ah iyo Boorsadii Qaraxa ku jiray. Dhinaca kale,koontaroolka Afgooye ayaa laga soo sheegayaa in halkaasi lagu fashiliyey Qarax isna ku jiray Boorso ka dib markii ninkii weday Boorsada uu arkay askeri kor kala socda sidaasne uu Boorsadii isaga tuuray una cararay,booliska joogo Kontaroolka Afgooye ayaa sheegay in ninka baxsaday uu galay Xero ey ku sugan yihiin Barakacayaal welina uu socdo baaritaan.
ISHA/CAASIMADDA.