SOOMAALIYA OO WAJAHAYSA BURBUR KALE OO MURUGA LEH.

0000.jpg

Arrimaha murugsan ee soomaaliya ayaa waxa eey noqdeen kuwa eey ka hadlaan waxna ka qoraan wakaaladaha wararka caalamiga ah,hadal haynta ugu weyn ee arrimaha soomaaliya ayaa ah wixii ka dhacay Muqdisho 48-saac ee la soo dhaafay,weerarkii lagu qaaday Hotel-ka Maa’ida oo eey degan yihiin madaxdii hore ee dalka,rasaaseeyntii la rasaaseeyey banaabaxayaashii lamabar afar,hoobiyihii ku dhacay gooba ganacsi oo dhinaca ku haayo garoonka Aadan cadde,jooojinti eey joojiyeen duulimaadyaddii eey Muqdisho ku tegaayeen shirkadaha diyaaradaha Turkiga iyo Itoobiya,waxaa intaas dheer in laga cabsi qabo in midawga murshaxiinta sameeyaan bananbax ka culus kii laga hor istaagay Jimcihii,odayaashii dhaqanka ee degaanka Banadir oo hadlay awoodi kari waayeyne ineey eeda dusha ka saaraan ciddi gar darneed,beesha caalamka oo ka gudbi la’a DFS iyo DG ha kulmeen hana dardar geliyaano sidii loo qaban lahaay doorasho iyo ayagoo farta ku fiiqi la’a cidda u sababta ah waxaan dhacaayo,waa nasiib darro mugeeda leh haysatana shacab ka daalay dagaalo sokeeye rabaane ineey dhistaan dhulkooda balse amnigiisa uu noqday mid ku hoos jiro gorgortan iyo dano gaara. Hadaba mid ka mida wargaysyadda wax ka qoray arrimaha soomaaliya ee waqtigaan murugsan ayaa waxaa ka mida wargayska THE NATIONAL INTEREST,waxaane ku soo baxay qoraal looga hadlaayo arrimaha waqtigaan ka taagan soomaliya iyo doorka beesha caalamku ku leedahay.XIGASHO THE NATIONAL INTEREST.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SAFIIRKII TALYAANIGA U FADHIYEY KOONGO DIMUQARAADI OO LA DILAY.

Next
Next

IS RASAASEEYN KA DHACDAY MUQDISHU IYO CIIDAMADDA DAWLADDA OO XIRAY JIDADKA.