IS RASAASEEYN KA DHACDAY MUQDISHU IYO CIIDAMADDA DAWLADDA OO XIRAY JIDADKA.
Soomaaliya waxa eey ka mid tahay wadamadda qaaradda Afrika uu ka dhacay dagaal sokeeye meeshana eey ka baxday dawladdii soomaaliya lahayd,waxaane dalka soomaliya soo maray hogaamiye kooxeedyo aan u nixin shacbakooda,maxaakim islaami ah oo u xuub siibtay argagixiso, waxa eeyna qaadatay sodon sano in soomaaliya ka soo gudubto heerarkaas kala duwan waxa eeyna u soo gudubtay ineey samaysato dastuur ku meel gaar ah kaasoo u ogaalanaayo in siyaasadda dalka noqoto mid baarlaman ah taasoo macnaheedu yahay in la soo xulo xildhibaanadda baarlaamaanka ka dibne ayaga eey doortaan madaxweynihii dalka hogaamin lahaay afarta sano ee socoto,qaabka soo xulidda xildhibaanadda ayaa lagu saleeyey ineey noqoto mid qaab qabiil ah(4.5),qaabkaan ayaa soo shaqeynaayey labaatan sano marka laga soo bilabo shirkii eey marti gelisay dawladda aan walaalahanahay ee Jabuuti(HIILWALAAL) waxa uuna ka dhacay magaaladda Carte sannadkii 2000.Madaxweynayaashii qaabkaas ku yimid waxaa ugu horeeyey Dr.C/qaasim Xasan,AUN-Col.C/laahi Yuusuf,Sheekh Shariif iyo Prof.Xasan Sheekh,waxaase xusid mudan in Ex.Madax.Xasan waqtigiisa ineey soomaaliya ka baxday ku meel gaarka noqotayne dawlad aan ku meel gaar ahayn,waajibaadkeeda dawladdi Xasan sheekh ayaa waxaa laga xusi karaa dhisidda dawlad goboleedyadda iyo hirgelinta federalismka dalka soomaaliya. Febaraayo-8-2017-kii waxa xarunta xalane lagu doortay madaxweynaha uu hadda uu waqti xileedkiisu dhammaaday Farmaajo waajibaadka laga rabay ineey gudato xukuumadda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa waxaa ugu weynaa ineey dalka gaarsiiso doorasho QOF IYO COD AH iyo dhammaystirka dastuurka ku meel gaarka ah waayo doorashooyinkii horay uga dhacay dalka soomaaliya ayaa ahaay kuwa DADBAN oo waxaa xildhibaanadda soo xulay odayaal dhaqameed,dastuurkana waxay ahayd in dib u eegis lagu sameeyo si uu noqdo dastuur rasmi ah uu dalka soomaaliya leeyahay intaba dawladda uu hogaamiyo Farmaajo waa eey ku guul dareysatay oo ma eeysan sameeyn waxaane arrintaas ka dhashay in wax walba oo laga rabay xukuumadda uu hogaamiyo Farmaajo ineey diyaariso ineey dib u dheceen sida soo xulitaanka xildhibaanadda labadda aqal(Hoose/Sare) iyo doorashaddii madaxweynihii bedeli lahaay Farmaajo,dib u dhacaan ku yimid shaqadii laga rabay xukuumadda Farmaajo ayaa waxaa ka dhashay muran iyo kal aaamin bax u dhexeeyo dawladda uu dhammaaday waqti xileedkeeda iyo midawga murashixiinta madaxnimada soomaaliya,waxayna taas qasabtay in midawga murashixiinta ku dhawaaqaan ineey samayhaayaan banaanbax eey kaga soo horjeedaan sii joogitaanka Farmaajo uu sii joogo madaxtooyadda soomaaliya isagoo uu dhammaaday waqti xileedkiisa eeyna ahayd in awooda dalka lagu wareejiyo gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed Mudane Mursal si dalka eey uga dhacdo doorasho wada ogol ah taasoo laga waayey dawladdii uu hogaaminaayey Farmaajo. Shalay oo ahayd khamiis ayey midawga murashixiinta oo eey hogaaminaayaan maxadweynayaal hore iyo gudoomiye baarlamaan oo hore tageen goobtii loogu talagalay inuu ka dhaco banaanbaxa goobtaasoo ahayd DALJIRKA DAAHSOON ee magaaladda Muqdisho,isla habeenimadiina waxa uu dagaal xun dhexmaray ciidamadda dawladda iyo ilaaladda madaxdii hore kuwaasoo ku sugnaay hotel-ka Ex-Naasa hablood-2 hadana loo yaqaano MAA’IDA kuna dhaw madaxtooyadda,dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac labadda dhinac ah waxayna masuuliyiintii hore dhacadaas ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Farmaajo damacsanaayne inuu dilo masuuliyiintas balse uu ku guuldareystay. Aroornimaddii maanta oo Jimca ah loona balansanaay banaanbaxa ayaa goobtii lagu balansanaay waxaa soo buux dhaafiyey ciidamadda dawladda gaar ahaan ciidamadda uu tabababaray Turkiga kana tirsan ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed loona yaqaano GORGOR,laakinse qaar ka mida midawga murashixiinta iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka soomaaliya ayaa waxa eey banaanbax ka soo bilaabeen agagaarka KM-4 ayagoo eey wehinaayeen dad fara badan waxaane dhacday in ciidamadda dawladda gaar ahaan kuwa NISA kuna sugnaay bar koontarool oo ku tiil jidka eey ku socdeen banaanbaxayaasha ineey rasaas nool ku fureen bananbaxayaasha lagana kala cararay xabadihii eey furaayeen NISA,waxaa ka dhashay dhaawc iyo dhimasho aan weli la soo saarin inta uu la eg yahay,dhinaca kalane waxaa hoobiye habaw ah oo aan la aqoon cidda soo riday uu ku dhacay goobo ganacsi oo dhinaca ku haayo garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde,waxaane arrintaan ka dhashay in shirkadaha diyaradaha Turkiga iyo Itoobiya ineey joojiyeen duulimaadyadii garoonka Aadan Cadde waqti aan la sheegin. Hadaba arrintaan ayaa waxaa wax ka qoray wakaaladda wararka ee REUTERS.