BANAANBAXA JIMCAHA IYO WAXA KA DHALLAN KARA.
Midawga Musharixiinta xilka madaxweynenimo ayaa waxa eey shacabka reer Muqdisho ugu baaqeen ineey isugu soo baxaan banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo joogitaanka madaxtooyadda madaxweynaha xiligiisu dhammaaday Farmaajo iyo doorashooyinka,arrintaan ayaa noqotay mid si aan caadi ahayn looga hadal haayo gudaha dalka soomaaliya iyo dibadiisa gaar ahaan arrintaan ayaa waxa eey si buuxda ula wareegtay cinwaanadda baraha bulshadda eey ku sheekaystaan soomalidda waxaane lagu soo bandhigay waxyaabo fara badan oo lagu taageeraayo amaba looga soo horjeedo,tusaale ahaan qaar ka mida dadka isticmaala Facebook-ga ayaa waxa eey isbarbar dhig ku sameeyeen shacabka ku kala nool goboladda Banaadir iyo Gedo waxa eeyna soo qaateen sawiro laga soo duubay shacabka Gedo oo ku banaanbaxaayo magaaladda Garbahaareey ayagoo ka cabanaayo maamulka Axmed Madoobe,banaanbaxayaasha qaarkood ayaa watay hub waxa eeyna is weydiiyeen su’aasha ah shacabka dega labadda gobol Banaadir iyo Gedo miyeysan u sineeyn sharciga dalka ka jiro ee ogolaanaayo in mawaadin kasta oo soomaaliyeed uu sameeyn karo banaabax nabadeed uu ku muujinaayo cabashadiisa? Isla arrintaan banaabaxa ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin u badan xildhibaano qaar si adag ayey u taageereen banaabaxa halka qaar kalane eey ka soo hirjeesteen banaanbaxa sida Mahad Salaad oo taageeray banaanbaxa iyo C/xakiin Macallin axmed oo isna ka soo horjeestay,laakinse waxaa si adag uga jawaabay hadalkii maanta ka soo yeeray dawladda federaalka soomaaliyeed ee ahaay in aan la samayn karin isu imaatin sabab la xiriirta cudurka Covid-19 oo soo laba kacleeyey madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna yiri” NIMANKAAN DHAQANKII DAWLADNIMADDA AYEY KU DHEELEEN MAANTA WAXAY INA SOO HOR ISTAAJIYEEN TALIYEYAASHII CIIDAMADDA OO LEH CORONA HALEYSKA JIRO,WAR TALIYE CIIDAMAW MAXAA CORONA KAA GALAY? ILA MEEREYSO AYEY WADAAN,TAN IYO MAALINTII UU FARMAAJO QABTAY XAFIISKA HAL TUULO LAGAMA SAARIN ALSHABAAB,KAAGA DARANE MAGAALADDA AYEY DAD KU GABLAMIYEEN”,Si kastaba ha aahtee banaanbaxa lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho maalinta khamiista ah ayaa u muuqdo mid xambaarsan arrimo aan hadda muuqan balse banaanka imaan doono maalinta Jimcaha marka eey banaanbaxa ka hadlaan qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha,waane waran ku dhacay wadnaha beesha caalamka haddii uu dhaco banaanbaxas shacabka reer Muqdishana la soo shir tagaan shuucuur eey ku mujinayaan cabashadooda eey ugu horeeyso xuquuqda metelaad siayaasadda ee ka maqan iyo maamul goboleed ka madax banaan madaxtooyadda soona doorta golihiisa xorna u noqda dhaqaalihiisa ka soo xarooda shacabkiisa kaasoo hadda loo adeegsado iska horkeenidda siyaasiyiinta u dhalatay gobolka banaadir,masruufidda kuwa aflagaadada joogtada ah ku haayo siyaasiyiinta ehelkooda laga soo qaaday canshuurta,ugu dambayntii banaabaxa Jimcaha ayaa looga fadhiyaa inuu soo saaro sir shacabka reer muqdisho ka qarsaneed.
Diyaariye/ Abkeey-SBM MUQDISHO.