WAR LAGA HELAY GEBDHIHII LAGU DILAY DEGMADA DAYNIILE.

FB_IMG_1613282556895-300x225.jpg

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay kuna beegneed 14/2/2021-ka ayaa waxa uu dil ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir dilkaas ayaa waxaa loo gaystay sedex qofood oo dumar ah lana kala yiraahdo: FARTUUN XUSEEN XASNA,MUUNA XUSEEN XASAN oo walaala ah iyo dumaashidood oo la yiraahdo FAADUMO NUUR laba ka mida dumarka la dilay ayaa lahaay UUR shaqadda dumarkaan la dilay haayeen ayaa ahayd Nadaafadda iyo Cunto karin waxa eeyna hawshaas ka qabanaayeen gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga oo waxa eey si gaar ah ugu adeegaayeen taliyaha CXDS Odawaa Yuusuf Raage,dumarkaan ayaa waxaa dilay rag ku hubaysnaay bastoolado kuna socday Mooto Bajaajka ka dibne ku baxsaday isla Mooto Bajaajkii,sida la ogaaday waqti dambe oo Axadi ah dilka seddexda dumarka ah ayaa waxaa gaystay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab,su’aasha la is weydiin karo ayaa ah waa maxay sababta Alshabaab u dileen dumarkaan? Marka laga hadlaayo Alshabaab iyo xeeladaha eey isticmaalaan marka eey rabaan ineey ka takhalusaan masuul sare eeyna ku adkaatay ineey toos uga takhalusaan waxa eey raadiyaan jid kale oo u sahli karo ineey ka takhalusaan shaqsiga eey raadinayaan,taliye Odawaa dhawr mar oo hore ayey alshabaab isku day ineey dilaan mar waxa eey dameero ku soo rareen waxyaabo qarxa mar kalane baabur eey ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa ayey isku dayeen ineey ku dhuftaan baabuurkiisa balse uma suurtagelin oo waa uu ka badbaaday Taliye Odawaa dhammaan isku dayadaas,hadda ayaa arrinku waxa uu u soo gudbay in Alshabaab saaxibo ka samaystaan gudaha halka looga arrimiyo CXDS ee Wasaaradda Gaashaandhiga waxaane la ogaaday in mid ka mida dumarka la dilay ineey la hadleen saraakiil ka tirsan CXDS kuna sugan Wasaaradda Gaashaandhiga xarunteeda waxa eeyna saraakiishaas u sheegeen gebedha eey la hadleen in cuntada taliye Odawaa loogu karinaayo gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga la joojiyo dibadda wasaaraddana looga keeno mid karsan waxa eeyna intaas u raaciyen in iyagu yaqanaan meesha looga soo keenaayo cuntadaas karsan taliye Odawaa,nasiib wanaag gebedhii lagu gaabsaday sheekadda waa ka biya diiday dalabkooda waxa eeyna ku adkaysatay in cuntada taliye Odawaa lagu kariyo gudaha wasaaradda gaashaandhiga,waxa eeyna sheekadda ku saabsan cuntada taliye Odawaa la wadaagtay qaar ka mida ehelkeeda la degan hoyga eey ku nooleed. Ma aha mid qarsoon waxa soo dedejiyey in la dilo dumarkaan aan waxba galabsan waayo waxa eey walaashood lugta ku dhufatay qorshe in badan laga soo shaqeynaayey loogana gol lahaay in lagu dilo taliyaha CXDS Odawaa,waxaane gacanta wasaaradda gaashaandhiga hadda ku jiro dad badan oo lala xiriirinaayo ineey ku lug lahaayeen arrintaan ka dib markii la waraystay ehelka dumarka la dilay kuwaaso laga helay sheekadda dhabta ah ee ka dambaysay dilka seddexda dumarka ah.

DIYAARIYE/ABKEEY-SBM-MUQDISHO.

Previous
Previous

BANAANBAXA JIMCAHA IYO WAXA KA DHALLAN KARA.

Next
Next

GEESKA AFRIKA IYO GACANKA.