SOOMAALIYA OO LOO SAMEEYEY DEYN CAFIN KALE.

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA SACUUDIGA.

(VIENNA)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa heshiis seddex geesood ah la galay Sanduuqa OPEC iyo dalka Soomaaliya si ey u taageeraan soo kabashadda dhaqaalaha dalka Bariga Afrika. Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed AL-Jadaan ayaa heshiiskan la saxiixday dhigiisa Soomaaliya Biixi Cige iyo Madaxweynaha Sanduuqa OPEC C/xamiid AL-khalifa uuna dhinac socday Madasha Horumarinta Sanduuqa OPEC iyo shirka Wasiiradda ee Vienna. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la daalaa dheceysa sidii ey u xakamayn lahayd qalalaasha ey hormuudka ka yihiin kooxda Argagixisadda ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ee AL-shabaab iyo Ururka Daacish iyo kooxaha maxaliga ah ee isku haya gacan ku haynta dhulka iyo Biyaha dalka Soomaaliya. Dalal fara badan ayaa dhaqaale iyo ciidan nabad ilaalin ah ku bixinaayo sidii loo soo celin ahaa nidaamka iyo kala dambaynta dalka Soomaaliya oo ey hareeyeen Amniga, Cuntada iyo arrimaha madaniga ah. Heshiiskii ugu dambeeyey ee Sacuudi Carabiya wuxuu la jaan qaadi doonaa Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka iyo Hindisaha Wadamadda Faqiirka ah ee deymaha badan leh ee Bangiga Adduunka(HIPC) ee la bilaabay sannadkii 1996-dii si loo hubiyo in wadan sabool ah uusan la kulmin culeys deyn ah oo aan la maareyn karin.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEKKH OO XIL CUSUB U MAGACAABAY…

Next
Next

DALKA ISBEYN OO KU SOO BIIRAY DACWADDA ISRA’IIL.