MW-XASAN SHEKKH OO XIL CUSUB U MAGACAABAY…
(SAWIRKA)-LIIBAAN DAAHIR OBSIIYE.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaayo dib u Habaynta iyo Horumarinta Qorshaha Qaran ee isbedelka Cimiladda ayaa xeer Madaxweyne tirsigiisu yahay 235 ku dhisay SANDUUQA QARANKA EE CIMILADDA. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Md.Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh Siyaasadda Maaliyadda inuu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimiladda. Sanduuqa Qaran ee wax ka qabsagadda Cimiladda ayaa ka kooban labo heer: (1)-Heerka Gudiga Maamulka Sare. (2)-Heerka Fulinta,qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaaya hanaanka daahfurnaanta. DFS ayaa dadaal weyn ku bixineyso ka hortaga la qabsiga iyo xakameynta isbedeladda cimiladda,maadaama ey saameyn toos ah ku leedahay duruurfaha nololeed ee dalkeyna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaada.
ISHA/SNTV.