DALKA ISBEYN OO KU SOO BIIRAY DACWADDA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICJ.
(ANKARA)-Dalka Isbeyn ayaa jimcihii u gdbiyey Maxakamada Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) bayaan faragelin ah oo ku saabsan kiiska dalka Koonfur Afrika ey ka gudbisay Isra’iil kuna saabsan codsiga heshiiska Xasuuqa ee Marinka Gaza. “Faragelinta waxaa dhiirigeliyey masuuliyadda ka xisbi ahaan dawladeed ee Heshiiska Xasuuqa iyo Go’aankiisa adag ee sharciga caalamiga ah” ayey tiri Wasaaradda Arrimha Dibadda dalka Isbeyn. Ficilka Xukuumadda Madrid wuxuu la jaan qaadaa wadamadda kale sida Kolombiya,Meegsiko iyo Falastiin iyadoo dhawr dawladood oo kale sida Irland iyo Chile iney ku soo biiraan. Talaabadaan ayaa hoosta ka xariiqeyso sida uu dalka Isbeyn ugu heelan yahay inuu taageero doorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ee ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan qawaaniinta. “Waxaan raadineynaa inaan gacan ka geysano sidii nabad loogu soo celin lahaa Marinka Gaza iyo Gobolka Bariga dhexe” ayey Wasaarddu ku dartay hadalkeeda. Dalka Isbeyn ayaa ku nuuxn-niixsaday baahidda loo qabo xal laba dawladood ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasiloonidda Falastiiniyiinta iyo Isra’iiliyiinta”,Wasaaradda ayaa iftiimisay walaaca laga qabo dhibaatadda bani’adanimo ee Marinka Gaza oo ey ku jiraan xadididda helitaanka gargaarka iyo burburinta kaabaayaasha. “Waxaan Maxkamadda ICJ iney wax ka qabato waajibaadka ka hortaga Xasuuqa oo ey xaqiijiso u hogaansanaanta talaabooyinka taxadarka leh ee Maxkamadda”ayey hadalkeeda raacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isbeyn. Dalka Isbeyn waxa uu go’aansaday inuu u hogaansanaado go’aanadda ey gaarto Maxkamadda ICJ-da iyadoo muujineysa taageeradda ey u hayso go’aanadda garsoorka caalamiga ah iyo sida ey Isbeyn uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasiloonidda caalamka. Iyadoo Isra’iil ey ka soo horjeesatay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ee dalbanaay Xabad joojin deg deg ah,Isra’iil waxay wajahday cambaareyn caalami ah waxa eyna weli sii wadaa weeraradda bahalnimada ah ey ku hayso Marinka Gaza tan iyo bishii Oktobar-2023-kii. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa hadda galay maalintiisii 267-aad waxaane ku dhintay 37,834-Qof,Caruur 15-kun,Dumar 10-kun,waxaane ku dhaawacmay ilaa 86,858-Qof,waxaane ku barakacay dad dhan ilaa 2-Milyan oo qofood,waxaane burburay hanti dhan 360-kun.
ISHA/AA.