SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSA SHIRKA WUF-12.
(SAWIRKA)-CALAN SAARKA WUF-12.
(QAHIRA)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimada Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Shirkii 12-aad ee Madasha Magaalooyinka Adduunka(WUF12) ayaa Isniinta maanta ah waxa uu ka furmay magaaladda Qaahirada Cusub ee dalka Masar,waxaane xafladda calanka u taagay dalka Masar iyo Qaramadda Midoobe iyadoo Madasha ey markii ugu horeysay muddo 22-sano ah ka dib dib ugu soo laabatay in lagu qabto Qaaradda Afrika. Munasabadda oo ey si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dawladda Masar iyo Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobe(UN-Habitat),shirkaan ayaa socon doono inta u dhexeyso 4-ta bishaan Nofembar ilaa 8-da isla bisha Noofembar-2024-ka,Halku dhega shirka ayaa ah “Dhammaan Waxa ey ka bilawdeen Guriga”,talaabooyinka maxaliga ah ee Magaalooyinka iyo Bulshooyinka Adduunka ee waara. Calan saarka Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Horumarinta Degaanka ee dalka Masar Manaal Cawad iyo Anaclaudia Rossach oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Hayadda UN-Habitat iyo Agaasimaha Fulinta iyo masuuliyiin kale oo aad u fara badan kana socday Dawladda Masar ee shirka Martigelisay iyo Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan degaanka. Dhinaca kale, shirkaan ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku metelaayo Wafdi uu Hogaaminaayo Reysal Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Md.C/salaan Cabdi Cali(Dhaay),wafdiga ayaa maanta gaaray magaaladda Qaahira,waxaane halkaasi ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Danjire Cali Cabdi Awaare. Wafdiga RW-Dhaay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeenta ee XFS Md.Dr.Cilmi Maxamuud Nuur iyo Gudoomiyaha G/Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Md.Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale).
ISHA-SB-MEDIA.