SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA INTERPOL.

(SAWIRKA)-SHIRKA INTERPOL EE 92-AAD.

(MUQDISHO)-Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag)ayaa ka qeybgalay Shirka Guud ee 92-aad ee Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL oo ka dhacaayo magaaladda Glasgow ee dalka Ingiriiska, Wasiirka oo halkaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay muhimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Wadashaqeynta Booliska Caalamka ey tahay mid fure u ah Nabadgelyada iyo Xasiloonida, Wasiirka ayaa intaa raaciyey in Soomaaliya ey diyaar u tahay iney door muhiim ah ka qaadato iskaashigaan si loo xaqiijiyo Amniga Caalamka oo dhan. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka Teknoolojiyadda Amniga,gaar ahaan Teknolojiyadda Biometric-ga iyo Sirdoonka Macmalka ah(AI) kuwaaso dalalka caalamka ey si wadajir ah ugu shaqeeyaan Horumarintooda. Wasiir Fartaag,ayaa sheegay in Teknolojiyadaan casriga ah ey muhiim u tahay ka hortaga dembiyadda caalamiga ah,isla markaane ey kaalin weyn ka qaadan karto sugida Amniga Gudaha ee Soomaaliya iyo Guud ahaan caalamka. Intii uu ka hadlaayey shirka,Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Md.Fartaag waxa uu soo dhaweeyey talaabooyinka INTERPOL qaadeyso ee lagu xoojinaayo awoodaha Booliska caalamka iyo wada shaqeynta dhinaca caafimaadka iyo ka hortaga dembiyadda khatarta ah. Wasiir ayaa ugu baaqay dalalka ka qeybgalay shirka in la xoojiyo xeerarka iyo nidaamyada iyo isdhaafsiga macluumaadka si loo gaaro hab amni oo loo dhan yahay oo waara,kaaso u adeegaayo bulshooyinka caalamka si hufan oo nabad ah. Hadalka Wasiirka wuxuu diiradda ku saaray muhimadda wada shaqeynta caalamiga ah,horumarinta Teknolojiyada casriga ah ee Amniga iyo isku xirnaanta Booliska caalamka si loo xaqiijiyo Amni iyo Xasilooni waarta.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

WASIIRO LAGU MAGACAABAY WAX KA YAR 24-SAAC.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSA SHIRKA WUF-12.