LABADA AQAL EE BJFS OO ANSIXIYEY MIISAANIYADDA 2025-KA.
(SAWIRKA)-FADHIGA LABADA AQAL EE BJFS.
(MUQDISHO)-Waxaa weli si habsami ah uga socdo Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa kal fadhiyadii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee BJFS,waxaane maanta oo Isniin ah kuna beegan (4/11/24)-ka qabsoomay Kalfadhigii 5-aad,Kulankiisii 5-aad ee labada Aqal ee BJFS, kooramka maanta ayaa ahaay 143-Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah iyo 32-Senitar oo Aqalka Sare ah,Ajandaha ayaa ahaay Akhrinta 3-aad ee Miisaaniyadda Sanadeedka 2025-ka iyo u Codeynteeda. Waxaa kaloo la xusay inuu jiro Qaraar la socdo Miisaaniyadda eyna soo jeediyeen Gudiga Maaliyadda ee labada Aqal ee BJFS, Qaraarka ayaa ka kooban seddex Qodob oo kala ah: (1)-Dib u habeynta Ciidamadda. (2)-Dhisidda Hayadda Qandaraaska Qaranka. (3)-Sharciga in la keeno Dakhli Ururinta dalka ama in la dhiso Hayadda Dakhliga dalka. kulanka maanta ee labada Aqal ee BJFS ayaa waxaa shir Gudoomineysay Gudoomiye Ku-xigeebka 1-aad ee Golaha Shacabka Md.Sacdiya Yaasiin X.Samatar oo ey wehliyaan Gudoomiye Ku-Xigeenada Baarlamaanka labadiisa Aqal. Xildhibaan C/qaadir Xuseen Cabdi(Uurdoox) oo ah Xoghayaha Gudiga Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hayadaha Dawladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada la wadaag akhrinta 3-aad ee Miisaaniyadda sannadka 2025-ka. Intaas ka dib,Xildhibaanadda Labada Aqal ee BJFS oo hab gacan taag ah ugu codeeyey Miisaaniyadda dawladda ee sannadka-2025-ka,waxaane ogolaatay 172-Xildhibaan,waxaa diiday laba Xildhibaan,waxaane ka Aamusay hal xildhibaan. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS Md.C/qafaar Cilmi Xaange iyo Gudoomiyaha Gudiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hayadaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS uga mahad celiyey Ansixinta Miisaaniyadda ee sannadka 2025-ka.
ISHA-BJFS.