ORODYAHAN SOOMAALI AH AYAA KU GUUEYSTAY..

(SAWIRKA)-ORODYAHANKA SOOMAALIYEED NEGEEYE.

(NEW YORK)-Orodyahanada kala ah Cabdi Negeeye iyo sheila Chepkirui ayaa Meylkii ugu dambeeyey adeegsaday laadyo xoogan si ey uga fogaadaan tartamayaasha ugu dhaw waxayna labadooda ku guuleysteen Maaratoonka Magaaladda New York markii ugu horeysay Axadii shalay ahayd. Negeeye oo noqday Orodyahankii ugu horeeyey ee ka socday dalka Holland(Netherland) asal ahaane ka soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay tartanka raga ayaa talaabo-taaabo la qaaday Horyaalka 2022-kii Evans Chebet ka hor inta uusan isticmaalin xawaare aad u badan oo uu ku galay Central Park markii ugu dambeysay oo uu ku guuleystay 2-saacadood gudahood,7-daqiiqo iyo 39-ilbiriqsi. Chebet waxa uu ku dhammeeyey 6-ilbiriqsi ka dib Negeeye. “markii aan dhammeeyey,shucuurtu ma eysan joogin xilligan,laakin ma rumaysan karin inaan ku guuleysanaayo”ayuu yiri Orodyahan Negeeye. “Waxa aan dareemay inaan riyoonaayo. Dadka intooda badan xitaa ma fileyn inaan ku jiro shanta ugu sareysa,laakin waan ogahay waxa aan awoodo. Kani waxa uu ahaay qoomkeyga maanta”ayuu hadalkiisa raaciyey Negeeye.

ISHA-AP.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

LABADA AQAL EE BJFS OO ANSIXIYEY MIISAANIYADDA 2025-KA.

Next
Next

WASIIRADDA IS CASILAY MAXAY ISU CASILEEN?