SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA 11-AAD EE…

(SAWIRKA)-SHIRKA 11-AAD.

(ALGERIA)-Waxaa maalintii labaad galay Siminaarka Heerka Sare ah ee 11-aad ee Nabada iyo Amniga Afrika ee ka socdo magaaladda Oran ee daka Aljeeriya,kulanka albaabadu u xiran yihiin oo si xawli ah u socda ayaa diiradda laga saaray Xoojinta isku xirka Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midawga Afrika(PSC) iyo kooxda A3 ee Xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe. Fadhigaan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire.Axmed Macallin Fiqi. Danjire Axmed Fiqi ayaa intii uu socday Shirka waxa uu kulano laba geesood ah la qaatay Md.Axmed Caatif oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda,Jaaliyadaha iyo Arrimaha Afrika ee dalka Aljeeriya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo sidoo kale u diyaar garawga Soomaaliya ee Xubninimada aan Joogtada ahayn ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobe oo la filaayo iney bilaabato bisha Janaayo-2025-ka. Kulanka ayaa lagu bogaadiyey sumcada sii kordheysa ee dalka Soomaaliya ee dhinaca Diblomaasiyadda Caalamiga ah iyo sida ey uga go’an tahay Horumarinta Nabadda,Amniga iyo Iskaashiga Arrimaha Afrika. Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hadda ku fadhiya kursiga Gudoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Ururka Midawga Afrika,waxaane shir Gudoominaayey fadhigaan 11-aad Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Danjire Maxamuud Cali Yuusuf.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

BEESHA CAALAMKA OO BALANQAAD U SAMEYSAY BOOLISKA SOOM..

Next
Next

SOOMAALIYA IYO FARANSIISKA OO KA WADA HADLAY…