BEESHA CAALAMKA OO BALANQAAD U SAMEYSAY BOOLISKA SOOM..
(MUQDISHO)-Taliyaha Ciidanka Booliska SoomaaliyeedS/G.Asad Cismaan Diyaano ayaa shir Gudoomiyey kulan gaar ah uu la qaatay Saaxibadda Caalamka ee daneeyo Arrimaha Booliska,iyadoo kulankaas ey goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka. Kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyeyaashu ey siiyaan Ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada Tababarada,Mashaariicda Horumarineed iyo ka qeybqaadashada dagaalka. S/G.Asad Diyaano ayaa sheegay xilligaan oo lagu jiro dagaalka ciribtirka kooxda Alshabaab ey muhiim tahay in la helo Ciidan Boolis ah oo la wareego goobaha laga saarao kooxda Alshabaab,Taliyaha ayaa adkeeyey muhimadda ey leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta iyo dhismaha xarumaha Ciidanka Booliska. Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa bogaadisay Qorshaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Doorka Xafiiska Istaraatiijiyada si la mid ah hawsha dardarta leh ee Taliyuhu wado iyagoo balan qaaday iney Booliska Soomaaliyeed gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista Aqoontooda,Tababarada iyo Agabka Ciidamadda.
ISHA-SNTV.