FARANSIISKA OO SOOMAALIYA KA CAFIYEY DEYN…
(MUQDISHO)-Dawladda Faransiiska ayaa maanta si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay lacag deyn ah oo dhan $145.6-Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay Xarunta Safaaradda Faransiiska ee magaaladda Nayroobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayey lacagaha deymaha ah ee lagu lahaay Dawladda Soomaaliya. Safiirka Dawaladda Faransiiska u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya Mr.Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi Imaan Cige,waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim C/lle. Heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada xaajood wijiyo badan lahaa,sidoo kalane daba socday go’aankii ey gaareen horaantii sannadkan-2024-ka wadamadda ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suurageliyey in Dawladda Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyo deyn dhan $145.6-Milyan oo Doolar taasoo Dawladda Faransiiska ey ka tirtirtay buuga deymaha. Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Faransiiska sida garashada leh ey u garab istaageen Dawladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ey ku lahaayeen Dawladda Fedraalka Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxa ey dadaal xoogan ugu jirtaa dhammaystirka hananaka deyn cafinta oo soo gabagabowday sannadkii 2023-kii,Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hadda rajo weyn ka qabto gabagabeynta hanaanka loo tirtiraayo dhammaan deymaha lagu leeyahay dalka Soomaaliya.
ISHA-SNTV.