RW-XASMSE OO KA QEYBGALAY XAFLADDA…
(Muqdisho)-Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafadda Adduunka taaso sannad walba maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan. RW-Xamse ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ey jirtay la Ansixiyey Sharciga Naafadda eyna ka go’an tahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafadda ah ee Soomaaliyeed,isagoo tilmaamay in DFS ey ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafadda ah,iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa yiri”Waxaan bogaadinayaa kaalinta dadka Naafada ah ey ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan,waxaane rabnaa inaan halkaan ka cadeeyo in Xukuumadda ey ka go’an tahay xal u helidda colaadaha,ciribtirka ALshabaab iyo in dalkeyno oo dhan laga sameeyo talaabooyin dhanka horumarka ah”. RW-Xamse ayaa tilmaamay in sanadaha soo socdo dadka Naafada ah ey heli doonaan marino sida ugu sahlan loo dhisay eyna ka qeybgeli doonaan Siyaasadda dalka,Doorashooyinka Madaxa Banaan,waxa kale uu sheegay RW-Xamse in qorshaha isbedelka Qaranka ee hadda socdo uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.
ISHA-SNTV.