DFS OO WAR CUSUB KA SOO SAARTAY DADKII KU DHINTAY..
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Cali Maxamed Cumar(Balcad) uu ka hadlay Musiibadii ka dhalat labadii Doon ey saarnaayeen dad lagu qiyaasya iney dhan yihiin ilaa 75-qofood. Wasiirka ayaa sheegay in labadaas Doon ey ka soo badbaadeen dad dhan ilaa 47-qofood kuwaaso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS ey soo gudbin doonto Magacyadooda,sidoo kale Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay tirada geeriyootay iney dhan tahay ilaa 28-Qofood kuwaas 23 ka mid ah lagu aasay Xeebta,halka shan ka mid dadkii dhintayne lagu aasay Jazeerad u dhaw Jazeeradaha dalka Madagaskar,shantaan qofood ayaa afar yihiin gabdho halne yahay wiil. Wasiir Cali Balcad ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in tiro intaa la’eg oo dhallinyara Soomaaliyeed ah ey xilaag lagu jiro naftooda ku haligaan meel aan la hubin,waxa uuna uga digay dhallinyarda Soomaaliyeed iney ka waantoobaan arrinta nuucan oo kale ah. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in XFS iyadoo fulineyso amarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ey ku tala jirto sidii dalka dib loogu soo celin lahaay 47-qofood kuwaaso 16 ka mid ah ey yihiin Gabdho, 31 kalane ey yihiin wiilal, Wasiir Cali Balcad ayaa carabkisa ku adkeeyey iney hawshaan sooc celinta ah ey socoto lana rajeynaayo in dhallinyarada 47-da ah dalkooda dib loogu soo celin doono 10-ka maalmood ee soo socota ka dib marka uu soo dhaammaado baaritaanka lana soo gudbiyo warbixintooda. Sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad, dhallinyarad 47-da ah ayaa hadda lagu hayaa Garoon loogu talagalaya cayaaraha waxaane halkaasi ka jiro Cimilo aad u kulul in kastoo dhallinyarada ey ka soo kabteen xaaladii ey ku sugnaayeen markii la soo badbaadinaayey. Dhacdaan ayaa waxa ey dhacday dhammaadkii bishii inaga dhammaatay ee Nofeembar-2024-ka.
ISHA-SB-MEDIA