SOOMAALIYA IYO FARANSIISKA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-LABADA WASIIRU DAWLO EE SOOMAALIYA IYO FARANSIISKA.

(PARIS)-Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Cali Maxamed Cumar”Balcad”ayaa waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyey Md.Thani Maxamed-Soilihi oo ah Wasiiru Dawlaha Faransiiska ee kuwa ku hadla Afka Faransiiska iyo Iskaashiga Caalamaiga ah ee dawladda Faransiiska, waxa eyna kulan muhiim ah ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Paris,ujeedada kulanka ayaa ahayd sii xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal. Wada hadaladda ayaa diiradda lagu saaray Horumarinta Madax-Banaanidda,Xasiloonida iyo Barwaaqada dalka Soomaaliya,Sahminta hababka cusub oo la isaga kaashan karo dhinacyada Amniga iyo Xasiloonida,Qurba Joogta iyo Socdaalka,Iskaashiga dhaqaalaha,Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo balanqaadyada mustaqbalka. Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka ayaa waxaa ka mid ah in Faransiiska uu dib u xaqiijiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya dadaaladda la dagaalanka Argagixisadda iyo Amniga badda,iyadoo ey barbar socdeen doodo la xiriiro Hawlgalka Midawga Afrika ee ku meel gaarka ah ATMIS iyo Hawlgalka Cusub ee Xasilinta Midawga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM. Dhinaca kale,Wasiirka Faransiiska ayaa Bartiisa Twitter-ka hadane loo yaqaano (x) waxa uu soo dhigay hadal sidaan u Qornaay”Booqashada Todobaadkan ee Wasiirka Soomaaliya Md.Cali Cumar iyadoo Ajendaha ahaa caqabadaha Horumarka,Amniga,Socdaalka,gaar ahaan waxaan awoodnay inaan ka wada hadalno rajada Heshiisyada Socdaalka ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo Faransiiskaoo ey ku jiraan la dagaalanka Tahriibka Sharci darrada ah ee Jazeeradda Mayootte. Waxaa kaloo aan xusuustay in dalka Faransiiska uu Soomaaliya ka taageero la dagaalanka Argagixisada iyo sidii loo heli lahaa ciidan nabad ilaalineed”.

ISHA-SHTV.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA 11-AAD EE…

Next
Next

DAGAAL BEELEEDKII KA SOCDAY SH/DHEXE IYO HIIRAAN OO LA JOOJIYEY.