DAGAAL BEELEEDKII KA SOCDAY SH/DHEXE IYO HIIRAAN OO LA JOOJIYEY.

(SAWIRKA)-SARAAKIISHA CIIDAMADDA.

(MUQDISHO)-In la maqlo warar aan marna u rooneyn Qalbiga dadka Soomaaliyeed ee Nadiifka ah ayaa mar walba waxa ey ka soo yeeraan Maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele,dad walaala ah oo wada degan hal degaan hadane iyagii is dilaayo waxa ey ka jirtaa oo kaliyah Goboladda Galgaduud,Gaalkacyo oo Galmudug ah iyo Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe oo ka tirsan H/shabeele. Dagaaladaan ayaa intooda badan waxaa gadaal ka taagan kooxda Alshabaab iyo dad wax ma garata ah kana faa’iido dagaal beeleedka. Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa gaaray goobihii ey ka dheceen dagaal beeleedyo u dhexeeyey beelo walaala ah oo wada dega degaano ka kala tirsan Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe. Saraakiishan ayaa waxaa hogaaminaayey Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed G/Dhexe.C/laahi Cumar, Saraakiil ka tirsan Hayadda NISA iyo Masuuliyiin ka kala socotay Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe. Saraakiisha ayaa ku guuleysatay dadaaladda Xabad Joojinta ah,waxaane meel wanaagsan maraayo dadaaladda lagu sameyn lahaa dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta beelaha Walaalaha ah si loo soo celiyo Nabadii iyo Deris wanaagii u dhexeeyey. Gudoomiyeyaasha labada Gobol ayaa xusay in nabadda ey tahay lama huraan sidaas darteedna looga baahan yahay waxgaradka labada maleeshiyo beeleed iney si deg deg ah u qaataan nabadda joojiyaane colaada. Saraakiisha CQS ee Soomaaliyeed ayaa dhankooda ku amray iney hubka ka dhigaan labada beelood ee colaadu dhexmartay degaanadda dhaca xadka Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.

ISHA-SNA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO FARANSIISKA OO KA WADA HADLAY…

Next
Next

DAGAALKA SURIYA OO SII XOOGAYSTAY.