DAGAALKA SURIYA OO SII XOOGAYSTAY.

(SAWIRKA)-SURIYA.

(TEL AVIV)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Isra’iil Jadcoon Saacir ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqay in Isra’iil eysan ku talo jirin iney taageerto dhinac ka mid ah colaada ka socoto dalka Suriya. Intii lagu guda jiray ka qeyb qaadashadiisa shir Amniga looga hadlaayey oo ey soo qaban qaabisay Isra’iil Hayom,Wasiir Saacir ayaa yiri “Isra’iil qeyb toosa ah kama aha hawlgaladda mileteri balse waxay si dhaw ula socotaa horumarka ka socdo gudaha dalka Suriya”. Goor sii horeysay oo maanta ah ayuu Reysal Wasaare Netanyahu sheegay in dawladiisa ey si dhaw ula socoto isbedeladda ka socdo dalka Suriya eyna ka go’an tahay iney ilaaliso wax uu ugu yeeray “Danahayna Muhiimka ah”. Bishii Noofembar 27-keedii iska horimaadyo u dhexeeyo kooxaha Mucaaradka hubeysan ee Suriya iyo ciidamadda dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Bashaar AL-Asad ee Suriya ee baadiyaha Galbeedka Xalab(Waqooyi-Bari). Kooxaha Mucaaradka ayaa markii dambe la wareegay gacan ku haynta magaaladda Xalab,waxaane xigtay in Sabtidii ey Xoogaga Mucaaradka Suriya ey si buuxda ula wareegeen Gobolka Idlib. Dhanka kale,Fiidnimadii Axada Ciidamadda dawladda Suriya ayaa la wareegay gacan ku haynta bartamaha magaaladda Tel Rifcat taaso qeyb ka ah hawlgaladda ka dhanka ah Ururka Argagixisada ah ee PKK/YPG.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DAGAAL BEELEEDKII KA SOCDAY SH/DHEXE IYO HIIRAAN OO LA JOOJIYEY.

Next
Next

DALKA BAKISTAAN OO BISHII NOFEMBAR LAGU DILAY…