SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR…
URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(QAAHIRA)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta ey ku mideysan yihiin dalalka Carabta,ururkaan ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha dalalka Carabta ee waqtigaas taagan waxane jiro fadhiyo ey yeeshaan hogaamiyeyaasha wadamadda Carabta sannadkiiba hal mar kana dhaca Caasimadda dal Carbeed xubina ka ah Ururka Jaamicadda Carabta shirkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay dalkaasi Aljeeriya Caasimadiisa Aljeris,hadaba xarunta Ururka Jaamicadda Carabta ee nagaaladda Qaahira ayaa waxaa dhawaan ka furmay shir looga hadlaayo{ABAARAH-BEDQABKA CUNTADA IYO ADKEYSIGA ISBEDELKA CIMILADDA},shirkaan ayaa waxaa soo uga qeybgalay Ergayga gaarka ee soomaaliya u qaabilsan Abaaraha ee uu magacabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xildhibaan C/raxmaan C/shakuu warsame,waxaane shirkaan laga filaa ineey ka soo baxaan go’aano wax ku ool u ah Soomaaliya.
ISHA WARKA ALLBANAADIR.