SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY BANDHIGA ADDIS.
(SAWIRKA)-BANDHIGA FANKA BARIGA AFRIKA.
(ADDIS ABABA)-Bandhig Faneedka iyo Dhaqanka ee Bariga Afrika oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa maanta ka furmay xarunta cusub ee Addis International Convention Center (AICC) ee magaalada Addis Ababa, Halku-dhiggiisuna waa “Fanka iyo Dhaqanka ee Is-dhexgalka Gobolka”. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Itoobiya Temesgen Tiruneh oo ey weheliyaan mas’uuliyiin kale oo heer sare ah ayaa ka qeyb galay furitaanka Bandhig Faneedkan. Munaasabadan ayaa ujeedadeedu ahayd sidii loo kobcin lahaa Iskaashiga iyo Midnimada Wadamada Bariga Afrika ee dhinaca Fanka iyo Dhaqanka. Waxaa ka sii muhiimsan in xafladda ey isugu yimaadeen kooxo dhaqameed ka kala socda Itoobiya, Ruwaanda, Burundi, Jabuuti, Uganda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Kenya, kuwaas oo soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka kala duwan ee Gobolka. Waxa kale oo la filayaa in la soo bandhigo kala duwanaanta dhaqanka hodanka ah iyo hiddaha faneed ee dalalka Bariga Afrika iyadoo la kobcinayo Midnimada iyo Iskaashiga Gobolka. Reysal Wasaare ku xigeenka itoobiya oo khudbad ka jeediyay xaflada ayaa ku nuux nuuxsaday awooda fanka uu ku leeyahay mideynta umadaha. Fanku maaha maaweelo oo kaliya ee waa buundada isku xirta dalalka, sida uu sheegay Reysal Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu carabka ku adkeeyay in qiyamka dhaqameed iyo caadooyinka Afrika oo dhan ey kobcinayaan is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha, kana gudbaya xuduudaha mustaqbalka guud. Soconaya laga bilaabo Maarso 20 ilaa Maarso 24, 2025, dabbaaldeggu waxa uu soo bandhigayaa hawlo kala duwan, oo ey ku jiraan shirar, dood-cilmiyeedyo, bandhigyo dhaqameed iyo farshaxan, bandhig faneedyo, cunto dhaqameed, bandhigyo moodo, muusig, filim, iyo masraxyo iyo sidoo kale bandhigyo buugaagta.
ISHA WARAKA-SB-MEDIA.