IMAARAATKA OO DADAAL UGU JIRO SIDII DADKA REER FALASTIIN LOO SOO.
(SAWIRKA)-ABIY AXMED IYO MAXAMED BIN ZAYID.
(ASMARA)-Warbaahinta Ertrean Press(EP) ayaa sheegtay in Maraykanka iyo Isra’iil ey wada hadallo la yeesheen seddex dawladood oo Bariga Afrika ah,kuwaaso laga doonaayo sidii dadka reer Falastiin loogu soo rari lahaa Marinka Gaza loona dejin lahaa Suudaan Somaliland iyo Itoobiya,sida ey sheegeen saraakiil Maraykanka iyo Isra’iil ah. Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Sudan ey diideen soo jeedinta Maraykanka halka saraakiisha Maraykanka ey xuseen in dawladda Itoobiya eysan weli ka jawaabin. Inkasta oo saraakiisha Maraykanka ey qireen in Itoobiya ey ka faa’iideysan karto dadka so gelootiga ah ee aqoonta fiican leh oo ka qeyb qaadan karaHorumarka Dhaqaalaha,waxay sidoo kalecadeeyeen in aan la garaneyn inta ey la’eg tahay Horumarka laga gaaray iyo heerka laga wada hadlay. Dalka Imaaraatka Carabta ayaa saameyn weyn ku leh dalka Itoobiya waxaane laga yaabaa in dawladda Itoobiya uu ku cadaadiyo iney ogolaato Falastiiniyiinta. Shantii sano ee la soo dhaafay dalka Imaaraatka Carabta,waxa uu ahaa mid saameyn xoogan ku leh Itoobiya iyadoo bixisay taageero dhaqaale oo la taaban karo. Dhanka kale,Soomaaliya ayaa diiday qorshaha Maraykanka uu ku doonaayo in Falastiiniyiinta looga barakiciyo Marinka Gaza. Dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale diiday Qorhsahaas iyaga oo diiday sheegashada ah in barakicintu tahay mid ikhtiyaari.
ISHA-ERTREAN PRESS,