MARAYKANKA OO KU GUULEYSTAY INUU RAAD KU..
(SAWIRKA)-XOOGAGA DANAB.
(ANKARA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii xilka ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ka dib dadaallo ey sameeyeen Ciidamada Mareykanka, sida ey ilo-wareedyo u sheegeen Wargayska Middle East Eye. Nuur ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Dekedaha, iyadoo ey muuqato iney hoos u dhacday taageeradii milateri ee Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya ee dagaalka kula jirtay AL-shabaab oo ah koox hubeysan oo Maraykanka uu u aqoonsan yahay Urur Argagixiso. Laba ilo oo xog ogaal u ah xaaladda ayaa Wargayska Middle East Eye(MEE) u sheegay in dadaalka uu Nuur ku doonayo in Soomaaliya uu ku qotomiyo iskaashiga milateri, tamarta iyo hawada ee Turkiga uu yahay mid aan fadhin Maraykanka oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika. Intii uu Hoggaaminayay Nuur, Soomaaliya iyo Turkiga waxay bishii Feberaayo ee sannadkii hore kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo dhanka Badda, Ganacsiga iyo Difaaca ah. Inkasta oo aan faahfaahin buuxda laga hayn heshiiskaas, haddane ilo-wareedyadu waxa ey tilmaamayaan iney dawladda Turkigu siinayso masuuliyadda ilaalinta Badda Soomaaliya, samaynta Ciidamada Badda Soomaaliya iyo ka caawinta sahaminta khayraadka tamarta, taas oo jawaab u ah heshiiska ey Itoobiya la gashay maamulka la baxay Somaliland. Nuur, oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Ankara, isla markaana si wanaagsan ugu hadla Luqadda Turkiga, ayaa xiriir adag la yeeshay Madaxda Turkiga sanadihii lasoo dhaafay.
Cadaadiska Maraykanka
Sarkaal Soomaali ah ayaa Wargayska MEE u sheegay in saraakiisha Ciidamada Mareykanka ey dhowr jeer ku cadaadiyeen Maxamuud inuu shaqada ka ceyriyo Nuur, iyagoo sabab uga dhigay iney ka walaacsan yihiin wada shaqeyn la’aanta Ciidamada Mareykanka. "Waxay sidoo kale dalbadeen in la galo heshiiskii Febraayo," ayuu yiri sarkaalku. "Wadahadaladani waxay dhaceen dhowr jeer sanadka oo dhan iyadoo dadaalka u ololaynta Maraykanku uu sii kordhay." Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda Maraykanka ey aad uga xun tahay qorshaha Turkiga uu ku doonayo inuu ku sameeyo Garoon Diyaaradeed oo Hawada Sare laga raaco oo laga yaabo in laga rido Gantaallada, taasoo loo qaadan karo iney yihiin Gantaallada riddada dheer.
"Mareykanku wuxuu si cad u sheegay in haddii aan meesha laga saarin Nuur, ay dib u eegi doonaan iskaashigooda dhanka ammaanka ah ee ay Muqdisho kula leeyihiin Al-Shabaab."
Sidoo kale, heshiisyadii ey Ankara dhawaan la gashay ee ku saabsanaa Sahminta Shidaalka iyo Gaaska ku jira gayiga Soomaalida ayaa la sheegay in eysan u cuntamin Madaxda Mareykanka. Sarkaalkan iyo ilo kale ayaa Wargayska MEE u sheegay in Turkiga uu Muqdisho u soo daadgureeyay labo Diyaaradood oo nooca Drones-ka ah ee Bayraktar Akinci Talaadadii si ey ula dagaalamaan AL-Shabaab. “Maraykanku waxa ey si cad u sheegeen in haddii aan meesha laga saarin Nuur, ey dib u eegi doonaan la shaqayntooda dhinaca ammaanka ee Muqdisho ee ka dhanka ah AL-Shabaab,” Ilaha labaad ayaa yidhi.
Horaantii bishan ayey aheyd markii safaarada Mareykanka ee Muqdisho ey soo saartay digniin dhanka amaanka ah oo ku aadan weeraro AL-Shabaab ey ka geystaan Garoonka Diyaaradaha iyo goobo kale, taasoo keentay in diyaarada Qatar Airways iyo Turkish Airlines ey joojiyaan duulimaadyada. Dhanka kale, bishii Febraayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in la weeraro hawada Soomaaliya oo lagu bartilmaameedsado Madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya. Bishii Maarso, Maraykanka waxay sidoo kale jartay dhaqaalihii ey siin jirtay Ciidanka Gaarka ah ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ey tababareen oo ey taageerayaan Taliska Mareykanka ee Afrika. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa baarlamaanka u sheegay in hadda dowladda looga baahan yahay iney raadiso ilo kale oo dhaqaale si ey u daboosho Mushaaraadka Danab. Axmed C/laahi Sheekh, Taliyihii hore ee Ciidanka Danab, ayaa bogaadiyay go’aanka Maxamuud uu xilka kaga qaaday Nuur. "Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaa isbedelka hogaanka," ayuu yidhi.
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya
Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa si weyn u yareeyay saameynta xil ka qaadista Nuure Nuure ey ku yeelatay xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan wadashaqeyn hay’addeed oo aan ahayn xiriir shaqsi ah. "Tani saameyn kuma yeelan doonto xiriirkeena," ayuu yiri sarkaalku. "Dhammaan heshiisyadii Muqdisho lala galay waxay la saxiixdeen dowladda iyo Madaxweynaha Soomaaliya." Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay wax-qabadka muuqda ee Turkiga uu ka geysanayo Soomaaliya oo ey ka mid yihiin maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo difaaca. Tunc Demirtas, oo ah khabiir heer gobol ah oo ka tirsan Hay'adda cilmi-baarista ee SETA ee fadhigeedu yahay Ankara, ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in Turkigu uu sii wadi doono taageerada dadaallada ka dhanka ah Argagixisada ee Soomaaliya. "Hore u socoshada, diiradda ayaa noqon doonta xoojinta qaabdhismeedka Hay'adaha halkii ey ka ahaan lahayd jileyaal shakhsi ah, hubinta in iskaashiga Istaraatiijiyadeed uu sii socdo si waafaqsan danaha labada dhinac," ayuu yidhi. Wargayska MEE waxay waydiisay dawladda Maraykanka iney faallo ka bixiso.
ISHA-WARGAYSKA MIDDLE EAST EYE.