PUNTLAND OO SIYAABO KALA DUWAN UGA HADASHAY GEERIDA LAAHOOR.
(SAWIRKA)-LAHOOR.
(BOSAASO)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horeeysay faahfaahin ka bixiyay Geerida ku timid Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor, oo ka tirsanaa Saraakiisha Daacish balse dhawaan isku soo dhiibay Puntland. Ninkan, oo kooxda u qaabilsanaa Dilalka iyo Qaraxyada Gobolka Bari, ayaa gacanta Puntland soo galay intii ey socdeen howlgallada ey Ciidamada maamulkaasi ka fuliyeen Buuraha Calmisaad. Ka dib, waxa lagu xiray Xabsiga Boosaaso, halkaas oo uu ugu dambeyn ku Geeriyooday. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo Wareysi kooban bixiyay, ayaa ka warbixiyay arrinta ninkan, sida uu kusoo galay gacanta Puntland iyo waxa uu qaban jiray. “Laahoor wuxuu ahaa nin la sheegay in magaalada Boosaaso hoggaamin jiray howlgallada ka dhaca iyo dadka wax ku dila. Wuxuu ahaa nin waayeel ah oo odey ah, wuxuuna ku jiray dadkii isa soo dhiibay ee lasoo qabtay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Laahoor uu ahaa nin waayeel ah oo qabay Cudurka dhiig-karka, isla markaana uu Cudurku ku kacay. Markii la dajin waayay, waxaa la geeyay isbitaal, halkaas oo uu ugu dambeyn ku Geeriyooday. “Ninkaas wuxuu qabay dhiigkar, wuuna ku kacay. Ka dibna waa la dajin waayay, xalay dhaqtarka ayaa la geeyay, wuxuuna ku dhintay dhaqtarka,” ayuu mar kale yiri Wasiirka. Mar wax laga weydiiyay wararka sheegaya inuu ku dhex dhintay qolkii Xabsiga, ayuu Wasiirku meesha ka saaray tuhunka ah in Laahoor la dilay ama la shirqoolay. “Sabab loo dilo ma taallo, waayo wax qarsooni ma jiraan. Nimankan waxaa la hayaa xogtoodii oo dhan, taleefoonadoodii ayaa gacanta lagu dhigay, wareysiyo ayaa laga qaaday, waxaa kale oo la hayaa Maxaabiistoodii kale ee Ajnabiga ahayd,” ayuu raaciyay. Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor ayaa gacanta Puntland soo galay horaantii bishii February ee sanadkan, isagoo isku soo dhiibay Ciidamada howlgallada ka wada aagga Buuraha Calmiskaad, halkaas oo uu muddo dheer ku dhuumaaleysanayay. Ninkan ayaa sidoo kale horey Maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira Dilal iyo Qaraxyo uu ka geystay magaalada Boosaaso. Wuxuu xukunkiisa la wadaagay rag kale oo ey isku shabakad ahaayeen, kuwaas oo qaarkood horey loo toogtay. Daacish ayaa haatan wajahaysa xaalad adag, waxaana kooxda culays xooggan kala kulantay howlgallada ka socda Gobolka Bari, oo ey hoggaaminayso Puntland. Bishii December, Puntland ayaa ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyadoo tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo waa weyn oo ey kooxda ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaas oo uu weli ka socdo howlgalka. Dhimashada Lahoor ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin fara badan oo reer Puntland marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta, dadka ka hadlay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Juxa waxa uuna yiri”Lahoor waxa uu u dhintay Sokor buu qabay oo ku kacday”,sidoo kale waxaa isna ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland C/risaaq Cali Ismaaciil waxa uuna yiri”Laahoor waxa uu u dhintay Wadnahaa istaagay, Kilyahane wey istaageen”.
ISHA-CO.