SOOMAALIYA OO KA HADASHAY XAFIISKA UNSOM.
(SAWIR)-KA.WASIIR AXMED MACALLIN FIQI.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Md.Axmed Macaliin Fiqi uu siiyey waraysi dhinacyo badan taabanaayo Tv-ga Qaranka ee Somali National TV(SNTV). Wasiir Fiqi ayaa ku nuuxnuuxsaday arrimo ey ka mid tahay arrinta la xiriirta xiritaan Xafiiska UNSOM ee dalka Soomaaliya,Wasiir Axmed ayaa sheegay in Arrinta wax ka bedelka Xafiiska Kaalmeynta Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM) loo saari doono gudi ka kala socdo labada dhinac(SOMALIA iyo UN)-ka gudigaas ayaa diyaarinaayo sidii uu xafiiska hadda ah UNSOM isugu bedeli lahaay Country Office. Dhinaca kale,waxaa haatan socdo sidii loo soo afjari lahaay ciidamadda nabad ilaalinta Midawga Afrika ee loo yaqaano Atmis kuwaaso dalka joogay muddo ka badan 15-sano oo xiriir ah waxna aan ka qaban la dagaalanka kooxaha Argagixisadda sida Daacis iyo Alshabaab,waxaane la filaa in ciidamadaan dalka isaga baxaan dhammaadka sannadkan 2024-ka.
ISHA/C.ONLINE.