SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO FURMAY.

(SAWIR)-KA.DFS IYO MADAXDA GOBOLADDA DALKA.

(MUQDISHO)-Maalintii Sabtida eyna bisha Abriil ahayd 20-ka ayaa loo balansanaay in shirkii Golaha wadatashiga Qaranka inuu ka furmo caasimadda Muqdisho balse waa uu baaqday sababo la xiriiro dhinaca Farsamad sida lagu sheegay bayaan qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre,maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray kulan ey yeeshaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Goboladda. Hadaba maanta oo ah Talaado kuna beegan 14/5/2024-ka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Md.Xasan Sheekh Maxamuud shir Gudoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda,shirka ayaa maanta waxa uu ka furmay Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxda Heer Federaal iyo Heer Goboleed ayaa ka arrinsanaayo xaaladda Amniga dalka,gaar ahaan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Agragixisadda Alshabaab oo Ciidamadda Xooga dalka ey ka soo hoyiyeen guulo waa weyn kana xoreeyeen degaano badan oo ey horay ugu dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaystirka Dastuurka. Shirkaan maanta furmay ayaa waxaa ka qeybgelaayo Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre, Reysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Md.Saalax Jaamac,Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda J/Land Axmed Madoobe,K/Galbeed Laftagaree, G/Mudug QoorQoor,H/shabeele Guudlaawe iyo Gudoomiyaha G/banaadir isla markaasne ah Duqa caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale).

ISHA.VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

SALDHIGA DEGMADA WAABERI EE G/BANADIR OO SOO QABTAY….

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA HADASHAY XAFIISKA UNSOM.