SALDHIGA DEGMADA WAABERI EE G/BANADIR OO SOO QABTAY….

(SAWIR)-KA. TUUGTII LA QABTAY MAANTA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamadda Booliska ee G/banaadir gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Waaberi ey ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan laba nin oo burcad ah dadka shacabka ahne ka dhici jiray Telefoonadda Qaaliga ah,labadaan nin ayaa watay Mooto Bajaaj iyo Tooreeyo ey dadka shacabka ah ku dhacaan. In labadaan nin la soo qabto ayaa waxaa suurtageliyey dawdweynaha ey ka dheceen telefoonadda kuwaaso si dhaqsi ah u wargeliyey ciidanka Booliska degmada Waaberi ee G/Banaadir markaas ka dibne Ciidamadu waxa ey sameeyeen hawlgal deg deg ah oo lagu soo qabtay Burcadii dhaca gaysatay. Ma aha markii ugu horeeyesay ey ciidamadda booliska G/banaadir ka hawlgala soo qabtaan Burcad hubaysan oo dhac ka gaysta caasimadda Muqdisho,waxayne horay u soo qabteen kuwa fara badan oo burcad ah baxsadne ka ahaay cadaaladda ka dibne la xukumay.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

DAGAALAME ALSHABAAB AH OO ISU SOO DHIIBAY…

Next
Next

SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO FURMAY.