DAGAALAME ALSHABAAB AH OO ISU SOO DHIIBAY…

(SAWIR)-KA. ADEN ISAAQ IIDAW.

(BAYDHABO)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee baydhabo ayaa sheegaayo in Adan Isxaaq Iidaw kana tirsanaay kooxda Alshabaab magaciisa Afgarashada kooxda dhexdeedana uu ahaay Ayuub Dheere ayaa waxa uu isu soo dhiibay Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60-aad. Aden ayaa waxa uu kooxda Alshabaab ka tirsanaay muddo dhan todobo sano waxa uuna kooxda Alshabaab u qaabilsnaaay Jabhadda isagoo ka qeybgalay dagaalo fara badan oo ka kala dhacay Goboladda Sh/hoose iyo Bakool oo dhammaan ka wada tirsan maamulka KGS. Mar uu Adan ka hadlaayey sababta ku kaliftay inuu isaga soo baxo kooxda Alshabaab ayuu ku sheegay iney tahay ka been sheegidda kooxda Alshabaab ee Diinta Islaamka,cadaalad darro iyo dhibaateynta shacabka ey ku hayaan,ugu dambeyntii Aden ayaa baaq u diray dhallinyarad weli ka tirsan kooxda Alshabaab,waxa uuna ugu baaqay iney isaga soo tagaan kooxda ku sofawday beenta iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed. Maalmihii la soo dhaafay waxaa si xawli ah isu soo dhiibaayey dhallinyarada ey marin habaabisay kooxda Alshabaab ee hadda uu dhacay gabalkoodii gacan ku gambadne ah,dhallinyarad iska dhiibtay maamuka KGS ayaa hadda dhaafay ilaa boqol qofood una badan dhallinyaro la marin habaabiyey.

ISHA/SNA-RADIO.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY SLOVAKIA.

Next
Next

SALDHIGA DEGMADA WAABERI EE G/BANADIR OO SOO QABTAY….