PMPF-TA PUNTLAND OO QABATAY DHAGARQABE.
(SAWIR)-KA. DHAGARQABE LAGU QABTAY BOOSAASO.
(BOSAASO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Gobolka Bari ee Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi ey ciidamadda amaanka ee Puntland kuwooda loo yaqaano PMPF-ta eyna tababartay Dawladda Imaaraatka Carabta ey maanta gacanta ku soo dhigeen Dhagarqabe ka tirsan kooxaha Argagixisada ee ka hawlgala Puntland, Dhagarqabaha la soo qabtay ayaa ku hubaysnaay walxaha Qarxa sida ey sheegeen hayadaha amniga Puntland. Hawlgalkaan ey fuliyeen ciidamadda PMPF-ta ee Puntland ayaa lagu soo qabtay Bambooyin nuucoodu yahay kuwa sababa Qaraxyadda Waa Weyn,waxaa kaloo gacanta lagu dhigay gaadiidkii weday Bambooyinkaas lala damacsanay in shacabka reer Boosaaso lagu waxyeeleyo. Inta badan degaanadda Puntland waxaa ka dagaalamo kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo aan iyaguna heshiis ahayn waxaane u gabaad ah Buuraleyda Galgala oo ah halka hooyga u ah labadaan kooxdoo ee dhibaatada ku haysa maamulka Puntland gaar ahaan dadka degan degmada Boosaaso ee G/bari.
ISHA/C/ONLINE.