SOOMAALIYA OO KA AAMUSTAY….
Wakiiladda todobo dal oo Carab ah ayaa midawga Afrika(AU) shalay oo Talaado ahayd(3/8/2021)-ka u sheegay ineey diidan yihiin kana soo horjeedaan in Israel goob jooge ka noqoto Midawga Afrika(AU),arrintaan ayaa waxaa 27/7/2021-ka u gudbiyey gudoomiyaha midawga afrika Muuse Faki safiirka Israel u fadhiyo dalka Itoobiya Aleli.Wadamadda Aljeerya,Masar,Komooro,Tuniisiya,Jabuuti,Muritaaniya iyo Libiya safiiradooda fadhiya Adis ababa ayaa qoraal waxay u gudbiyeen xoghayaha midawga afrika Faki qoraalkaas eey ugu sheegeen go’aankooda diidamadda ah in Israel goob jooge ka noqoto midawga afrika. Safiraddaha dalalka Urdun,Kuweeyt,Qadar,Yaman iyo Jaamicadda Carabta kuwaasoo fadhigoodu yahay magaaladda Addis ababa ayaa tibaaxay in la dhawro midnimada dalalka Carabta,waxaase xusid mudan ineey jiraan lix dal kana mida laba iyo labaatanka dal eey ka kooban tahay Jaamicadda Carabta ineey xiriir la leeyihiin Israel waxaane wadamadaas ka mida Masar,Urdun,Imaaraatka carabta,Baxrayn,Suudaan iyo Marooko. Xiriirka u dhexeeyo Israel iyo ururka midawga afrika ayaa xumaaday sannadkii 1960-kii ka dib markii Israel isku fidisay qabsatayne dhulka Falastiinsannadkii 1967-dii dhulkaasne waxaa ka mida ah marinka Gaza,Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus,Soomaaliya wakiilkeda u joogo ururka midawga afrika ayaa ka aamusay arrinta Israel ku saabsan waane ceeb aad u weyn oo soo wajahday markii labaad sumcadda soomaaliya afartii sano ee ugu dambaysay..XIGASHO MEMO.