SOOMAALIYA OO HESHAY SAAXIBO KA DIFAACA ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii dalka Itoobiya iyo maamulka Soomaliland ey kala saxiixdeen heshiiskii dhinaca Badda kaaso dhigaayey in dalka Itoobiya laga kireeyo dhul badeed dhan labaatan Kiilomitir oo gudaha badda ah,Soomaaiya waxa ey bilawday iney ka dhiidhiso boobka guracan ey wado dawladda Itoobiya kaaso aan meelna ka waafaqsaneyn sharciyadda caalamka u yaalo gaar ahaan kan Ururka Midawga Afrika iyo kan Urur Goboleedka IGAD ey ka wada tirsan yihiin Itoobiya iyo soomaaliya. Dalka Soomaaliya ayaa dacwadiisa waxa uu gaarsiiyey Ururada Midawga Afrika,Yurub,IGAD,Jaamicadda Carabta iyo Ururka Islaamka waxaane u harsan oo kaliyah iney dacwadeeda gaarsiiso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC),si hadaba Soomaaliya ey isaga dhiciso boobka guracan ee Itoobiya waxa ey bilawday iney raadsato Xulafo ka taageerta dhinaca ciidamadda waxa eyna hadda u eg tahay in Soomaaliya ey soo heshay xulafo la safan diyaarna u ah iney Soomaaliya la difaacaan dhulkeeda,wadamada la filaayo iney Soomaaliya kaalmeyaan ayaa kala Masar,Turkiga iyo dalka Eritereeya.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

CIIDAMADDAMARAYKANKA OO LAGU WEERARAY BAQDAAD.

Next
Next

SHEEKHA AL-AZHAR OO IMAAN DOONO SOOMAALIYA.