SHEEKHA AL-AZHAR OO IMAAN DOONO SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-MW-XASN IYO SHEEKHA AL-AZHAR AL-SHARIIF.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qahira ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi kula kulmay Sheekha Jaamicadda caanka ah ee AL-AZHAR AL-SHARIIF ee dalka Masar Sheekh Axmed Maxamed El-Tayib,labada masuul ayaa ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ah ee ka dhanka ah kooxaha Xagjirka ah sida Alshabaab iyo Daacish kana dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya,sidoo kale kulanka ayaa la iska xaal warsaday ardayda wax ka barata Jaamicadda AL-Azhar. Dalka Masar ayaa dhinaca Waxbarashada waxa uu kaalmeyn jiray dawladdii dhex ee Soomaaliya taaso burburtay sannadkii 1991-dii. MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu martiqaad u fidiyey Sheekha AL-Azhar Sheekh Axmed Maxamed EL-Tayib waane uu qabalay Sheekha inuu booqasho rasmi ah ku yimaado dalka Soomaaliya waqti aan sheegin.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO HESHAY SAAXIBO KA DIFAACA ITOOBIYA.

Next
Next

KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY NETANYAHU IYO…