KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY NETANYAHU IYO…

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO GALLANT.

(QUDUS)-Wararka laga helaayo gudaha dalka Isra’iil ayaa sheegaayo iney sii korortay xiisadii u dhexeysay Reysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirka Gaashaandhiga Isra’iil Yoav Gallant,arrinta ka dhexeyso labadaan nin ayaa salka ku hayso dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee aan weli laga hayn wax natiija ah iyo caalamka oo si cad uga soo horjeesytay dalka Isra’iil iyo dawladaha taageero. Netanyahu waa masuulka ugu xagjirsan masuuliyiinta reer Isra’iil marka laga reebo Wasiiradda Maaliyadda iyo Amniga dalka Isra’iil,labadaan masuul ee reer Isra’iil waxa ey aaminsan yihiin in dadka reer Falstiin laga tirtiro adduunka guudkiisa lagana raro dhulka ey hadda degan yihiin. Hadaba,warbaahint dalka Isra’iil ayaa daaha ka rogtay maanta oo Jimca ah iney cirka isku shareertay xiisaddii u dhexeysay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant. Kanaalka 12-aad ee dalka Isra’iil ayaa yiri”sidaan waa sida uu u eg yahay dagaalka Netanyahu iyo Gallant”. “Todobaadyo RW-Netanyahu iyo Wasiir Gallanta waxa ey isku dayaayeen iney qariyaan xiisadda u dhexeyso hadda waa wax aan waxba tarayn”. Wijiga kale ee aan loo baahnayn ee dagaalka waa kan u dhexeyo Netanyahu,Gallant iyo dhammaan horgalayaasha firfircoon ee hadda jira,waxa ey ku qulqulayaan dusha sare ee dawladda Isra’iil muddo dheer”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHEEKHA AL-AZHAR OO IMAAN DOONO SOOMAALIYA.

Next
Next

MIDAWGA AFRIKA,MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA OO..