MIDAWGA AFRIKA,MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA OO..

(SAWIRKA)-URURKA MIDAWGA AFRIKA.

(NAIROBI-KENYA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Ugandha ee Kampala ayaa sheegaayo in Ururka Midawga Afrika,Midawga Yurub iyo Maraykanka ey ku baaqeen maalintii shalay oo Khamiis ahayd in xabad joojin deg deg ah iyo wada hadalo wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada isku haayo dagaalka ka socdo dalka Suudaan. Ururadaan ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo xiisadda u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya taaso ka dhalatay Heshiiskii ey Itoobiya iyo Soomaaliland kala saxiixdeen horaantii bishaan Janaayo-2024-ka. Wakiilo sare oo ka kala socday Ururadaas oo ka hadlay caasimadda dalka Ugandha ee kampala ka dib markii uu soo dhammaday shirkii ey halkaasi ku lahaay Wadamadda Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaasheegay in labadaan xiisadood ey halis weyn ku yihiin xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY NETANYAHU IYO…

Next
Next

RIDWAAN XUSEEN OO KU CABAADAY DALALKA SHISHEEYE.