RIDWAAN XUSEEN OO KU CABAADAY DALALKA SHISHEEYE.

(SAWIRKA)-LA TALIYAHA AMNIGA ABIY AXMED OO LA SHIRAY KU QEYBSANAYAASHA CIIDAMADDA DALALKA JOOGA ADDIS ABABA.

(ADDIS ABABA)-Danjire Ridwaaan Xuseen oo ah la Taliyaha dhanka Amniga ee RW-Abiy Axmed ayaa u sheegay u qeybsanayaasha Mileteriga iyo wakiiladda saaxibadda caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Addis Ababa in dadaalka Itoobiya ee lagu xaqiijinaayo helitaanka Badda uusan ahayn arrin”Raaxo ah balse ey tahay Badbaado”maalin walba ah,sidaas ayuu sheegay shalay oo Khamiis ahayd. Sodonkii sano ee la soo dhaafay Itoobiya waxay ganacsigeeda wax kala soo degaysay dekedda dalka Jabuuti ayuu yiri la Taliye Redwan,wuxuu intaas raaciyey in hadda ey muhiim noqotay in la helo bedelaad dheeri ah oo ku haboon dhaqdhaqaaqa heer qaran iyo heer caalami ee hadda jira. “Dabcan waan ku fiicanahay hal marin oo Jabuuti ah mudadii sodonka sano ee la soo dhaafay sababto ah dhaqaaluhu aad buu u yaraay laakinse hadda waxaan arkaynaa caqabado iyadoo dhaqaalaha Itoobiya uu ka koraayo dhammaan dacaladda dalkan. Hal meel kuma filna si loo joogteyo dhaqaalaha,waxaane u baahanahay inaan la nimaadno wax ka bedel”. Soomaaliya ma laha miyaa La Taliye Amni oo u hawlgala sida Midkan?

ISHA/ADDIS STANDARD.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MIDAWGA AFRIKA,MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA OO..

Next
Next

SARAAKIIL SAR SARE OO AL-SHABAAB AH OO LAGA QAFAASHAY…