SARAAKIIL SAR SARE OO AL-SHABAAB AH OO LAGA QAFAASHAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMO FULINAAYO HAWLGAL.

(SH/HOOSE)-Wararka imanaayo degaanka FARSOOLEY kana tirsan TOORATOORAW ee Gobolka Shabeeladda Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar Qorsheysan eyna fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u Tababaran ee Danab iyo saaxibadda caalamka ee Soomaaliya,weerarka ayaa waxa uu dhacay habeen barkii xalay saacadu markeey ahayd kowda habeenimo(1:00-AM) ee Soomaaliya waxaane weerarka lala beegsaday laba baabuur oo Caasi ah oo siday saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida la sheegayne qaarkood ey ahaayeen Ajaanib,weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday afar ka mid ah kooxdii saarneed labada caasi waxaane nolol lagu soo qabtay dhawr iyo toban horjooge eyna ku jiraan Ajaanib kooxda Alshabaab ka barbar dagaalamaysay. Sida ey sheegeen dadka degaanka Farsooley labada caasi ee la beegsaday ayaa waxa ey ka soo bexeen degaanka Farsooley waxa eyna ku socdeen degaan kale oo ka mida isla Farsooley,ciidamadda Danab oo fuliyey hawlgalkaan guuleystay ayaa taageero ka helaayey diyaradaha DRONES-ka ee saaxibadda caalamka waxa eyna ciidamadda Danab iyo labadii Caasi ey saaran yihiin saraakiil sar sare oo Alshabaab ah la wada geeyey xerada ciidamadda Danab ee Bali-doogle. Dhacdadaan ayaaney weli ka hadlin DFS iyo Wasaaradda G/dhiga Soomaaliya.

ISHA/SB-MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

RIDWAAN XUSEEN OO KU CABAADAY DALALKA SHISHEEYE.

Next
Next

ITOOBIYA OO KA HORTIMID BAYAANKII URURKA JAAMICADDA CARABTA.