ITOOBIYA OO KA HORTIMID BAYAANKII URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(SAWIRKA)-WASIIRUL DAWLAHA ARRIMAHA DIBADDA ITOOBIYA MESGANU AREGA.

(ADDIS ABABA)-Maalintii shalay oo Arbaca ahayd kuna beegneed 17/1/2024-ka ayaa waxaa magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar shir aan caadi ahayn isugu yimid Wasiiradda Arrimaha Dibadda Wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta shirkii ayaa waxaa dalbaday dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu Ururka Jaamicadda Carabta u gaarsiiyo xadgudubka ey Itoobiya ku sameysay Madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya,shirka oo ahaay mid Fogaan Arag ah ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku metelaayey RW-Xamse Cabdi Barre,waxaane shirka ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah laguna garab istaagay dalka Soomaaliya,hadaba go’aamadii shalay ka soo baxay Ururka Jaamicadda Carabta ayaa waxaa ka hadlay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mesganu Arega waxa uuna sheegay in dalka Itoobiya uu si cad u diiday bayaankii ka soo baxay Ururka Jaamicadda Carabta kaaso cambaareynaayey Heshiiskii dhinaca badda ey dhawaan kala saxiixdeen dalka Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SARAAKIIL SAR SARE OO AL-SHABAAB AH OO LAGA QAFAASHAY…

Next
Next

QARAX KA DHACAY MANDHEERA-KENYA.