CIIDAMADDAMARAYKANKA OO LAGU WEERARAY BAQDAAD.
(SAWIRA)-XERADA LA WEERARAY EE AIN AL-ASAD.
(BAQDAD-IRAQ)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil 7/10/23-kii ayaa waxa bilawday in weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamadda Maraykanka ey ku leeyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq,weeraradaan ayaa waxaa qaado kooxo lagu tuhunsan yahay iney gacan saar la leeyihiin dawladda Iraan,hadaba weerarkii ugu dameeyey weeraradaasi ayaa waxa uu dhacay dalka Ciraaq maanta oo sabti ah kuna beegan 20/1/2024-ka. Weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamadda Maraykanka ee Ceynul Asad kuna yaalo magaaladda Baqdaad caasimadda Ciraaq ayaa waxaa ku dhaawacmay qof u shaqeeyo Maraykanka iyo askeri ka tirsan ciidamadda Amaanka dalka Ciraaq,wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay weerarka ayaa sheegaayo in saldhiga lagu weeraray Gentaalo Balastik ah loona maleynaayo in laga soo riday gudaha dalka Ciraaq balse weli lama xaqiijin goobta laga soo riday waxaane socdo baaritaano ey wadaan dawladaha Maraykanka iyo Ciraaq,saldhigyada Maraykanka ee ku kala yaalo Ciraaq iyo Suuriya ayaa la kala weeraray 58-jeer oo Ciraaq ah iyo 83-jeer oo Suuriya ah.
ISHA/VOA.