LABA MARKAB OO INGIRIIS LEEYAHAY OO ISKU DHACAY.

(SAWIRKA0-MARKAB DAGAAL EE INGIRIISKA.

(MANAMA-BAHRAIN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Baxrayn ee Manaama ayaa sheegaayo in laba Markab oo nuuca dagaalka ah lagana leeyahay dalka Ingiriiska ey halkaasi iskula dheceen,labada Markab ee isku dhacday ayaa la kala yiraahdaa HMS Chiddingfold iyo HMS Bangor,sida muuqatana HMS Bangor ayaa ku sugnaay marsada halka HMS Chiddingfold uu yahay kan wax ku dhacay,shilkaan ayaanan cidna waxba ku noqon balse waxa uu burbur soo gaaray labada Markab dagaala ee dalka Ingiriiska,Sida lagu arkay muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada HMS Chiddingfold oo ah kan wax ku dhacay ayaa rogmaday. Labadaan Markab ee isku dhacday ayaa la sheegay ineey yihiin Miina baarayaal hoos u gala biyaha badda,waxaane Bariga dhexe loo keenay si ey qeyb uga noqdaan ilaalinta Maraakiinta Ganacsiga ee marta biyaha Badda Cas.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MAXAA KEENAY IN ITOOBIYA SIDAN U HADASHO?

Next
Next

CIIDAMADDAMARAYKANKA OO LAGU WEERARAY BAQDAAD.