SOOMAALIYA MAXAY KA FAA’IIDI DOONTAA SHIRKA DUBAI?

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DUBAI.

(SBM)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo ayaa gaaray caasimadda dalka Imaaraatka Carabta Midoobe ee Dubai,MW-Xasan iyo wafdiga la socdo ayaa halkaasi waxa ey kaga qeybgeli doonaan shirka Caalamiga ah ee Isbedeladda Cimiladda Adduunka ee (COP28) kaaso ka furmaayo dalka Imaaraatka Carabta Maanta oo Khamiis ah(30/11/23)-ka,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo wafdi dhan ilaa 60-kun qofood,waxa uuna soconayaa inta u dhexeeyso 30/11/23 ilaa 12/12/23-ka,Madaxda caalamiga ah ee shirkaan ka qeybgelayso ayaa waxaa ka mid ah Boqorka dalka Ingiriiska Charles,Reysal Wasaaraha Hindiya Modi, Chancellor-ka Jarmalka Olaf Scholz iyo wakiil Maraykanka u qaabilsan Cimiladda John Kerry. Shirkii midkii ka horeeyey ee (COP27) ee ka dhacay magaala xeebeedka Sharma Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa shir Gudoominaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamex Shukri shirka maanta furmay ayaa waxaa shir gudoomin doono Sultan Jaber oo ah madaxa shirkadda Gaaska ee dalka Imaaraatka Carabta.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

AMARO LA DUL DHIGAY SHIRKADAHA DIYAARADAHA.

Next
Next

MAXAY KAGA DHIGAN TAHAY MUCAARADKA IN MAHAD SALAAD TAGO S/BAKAARAHA?