AMARO LA DUL DHIGAY SHIRKADAHA DIYAARADAHA.

(SAWIRKA)-GAROONKA ADEN CADDE EE MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadda Duulista Soomaaliyeed iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ey soo saareen amaro adag oo ku wajahan Shirkadaha Diyaaradaha ka shaqeeyo gudaha dalka Soomaaliya,Amarada la soo saaray ayaa waxa ey ka kooban yihiin afar qodob oo Shirkadaha Diyaaradaha lagu faraayo iney ilaaliyaan Xuquuqda Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee safraayo kana dhoofaayo Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Dhinaca kale,Hayadda Duulista Rayidka iyo Maamulka Garoonka Aden Cadde ayaa si wadajir ah waxa ey Go’aankan ogaysiiyeen Midawga Diyaaradaha ka shaqeeyo dalka Soomaaliya,Hayaddaha Amniga sida Booliska, Nabada Sugidda iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

31-SANO KA DIB SOOMAALIYA OO LAGA QAADAY CUNAQABATEYNTII HUBKA

Next
Next

SOOMAALIYA MAXAY KA FAA’IIDI DOONTAA SHIRKA DUBAI?