MAXAY KAGA DHIGAN TAHAY MUCAARADKA IN MAHAD SALAAD TAGO S/BAKAARAHA?

(SAWIRKA)-AGAASIME MAHAD MAXAMED SALAAD OO DHEX TAAGAN SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADDA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.Mahad Maxamed Salaad uu maanta oo Khamiis ah uu si lama filaan ah ku tegay Suuqa weyn Bakaaraha halkaaso uu ku sameeyey kormeer guud,Agaasime Mahad ayaa u kuurgelayey isbedelka Amni ee ka jira Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha,halkaan ayaa waxaa ka jirtay amni darro aad u xun oo saameysay dhammaan dhaqdhaqaaqa ganacsi. Kooxaha Daacish iyo Alshabaab ayaa dhib weyn waxa ey ku hayeen Ganacsatada Suuqa-Bakaaraha waxa eyna ka qaadi jireen lacago baad ah eyna u dheereed Ganacsatada iney bixiyaan Canshuurtii dawladda Federaalka Soomaaliya. Hadda Muqdisho waxaa ka taagan ismari waa u dhexeeyo Hayadaha Amniga DFS iyo Ganacsatada qaarkood kuna sugan Muqdisho,ismari waaga ayaa salka ku haayo kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV-ga in lagu dhejiyo banaanka Goobaha Ganacsiga.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA MAXAY KA FAA’IIDI DOONTAA SHIRKA DUBAI?

Next
Next

MAXAA DENI LA GUDBOON KA HOR 8/1/24-KA?