SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS.

(SAWIRKA wASIIRADDA G/DHIGA SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta heshiis ku kala saxiixdeen Wasiiradda Gaashaandhiga ee labada dal Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) iyo dhigiisa dalka Turkiga Md.Yasar Guler. Wasiiradda ayaa ka wada hadlay arrimo ey ka mid yihiin Xoojinta xiriirka labada dal,Amniga Gobolka Geeska Afrika iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab,sidoo kale labada Wasiir ayaa kala saxiixday heshiis Muhiim ah oo ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha iyo Difaaca. Dalalka Turkiga iyo Maryakanka ayaa ah wadamadda sida aadka ah Soomaaliya uga taageero la dagaalanka kooxda Alshabaab waxa eyna duqeymo culus u gaystaan dhammaan goobaha ey kooxda Alshabaab kasoo aababusho weerarada qorsheysan ee lagu qaado xarumaha ey degan yihiin Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

CIIDAMO GADOODSAN OO XIRAY SALDHIGA DHEXE EE GARAWE.

Next
Next

XAFIISKA QARAMADA MIDOOBE EE SOOMAALIYA OO KA HADLAY…