XAFIISKA QARAMADA MIDOOBE EE SOOMAALIYA OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-DILAA SAYID CALI IYO MARXUUMAD LUUL C/CASIIS.
(MUQDISHO)-Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa waxa uu ka hadlay arrinta Marxuumad Luul C/casiis taaso Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyootay magaaladda Muqdisho ka dib markii uu Gubay ninkeeda Dilaa Sayid Cali Macallin Da’uud. Xafiiska UNSOM ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo talaabadda ey qaaday DFS ee lagu soo qabtay gacan ku dhiigle Sayid Cali oo u baxsaday Goboladda dhexe ee dalka halkaaso ah degaanka uu ka soo jeedo si uu ugu dhuuntougana cararo Cadaaladda,Xafiiska Qaramada Middobe ee Muqdisho(UNSOM) ayaa soo jeediyey in DFS ey sameeyso Baaritaan dhab ah kiisa ee Kiiska Luul C/casiis waxa eyna ku tilmaameen in kiiskan yahay mid culus una baahan in laga qaado talaabo adag si looga hortago dilalka ka baxsan Bani’adanimada ee lagulakaco dadka laga tabar roon yahay ee Dumarka,Caruurta iyo dadka da’ada ah. Qoraalka ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho ayaa lagu yiri” QM waxa ey soo dhaweyneysaa sida ey uga go’an tahay DFS iney baaraan oo ey Maxkamadeeyaan xadguduyada ku saleysan Jinsiga”.
ISHA/SB-MEDIA.