CIIDAMO GADOODSAN OO XIRAY SALDHIGA DHEXE EE GARAWE.

(SAWIRKA)-SALDHIGA DHEXE EE GARAWE OOLA XIRAY MAANTA.

(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caamsiadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo Mushaar La’aan ka Gadoodsan iney xirteen Saldhiga dhexe caasimadda Puntland ee Garawe. Ciidamadaan gadoodsan ayaa guud ahaan waxa ey joojiyeen shaqadii ka socotay Saldhiga dhexe ee magaaladda Garawe waxa eyna sheegeen iney dawaladda Puntland ka waayeen Xuquuqdoodii ahayd Mushaarkoodii bilaha ahaay,waxa eyna xuseen in muddo dhawr bilood ah eysan qaadan wax Mushaar ah. Saraakiil ka mid ciidamadda Gadoodsan ayaa sheegay ineysan qaadan wax Mushaar muddo dhan sagaal bilood mana garanayaan sababta loo siin waayey Mushaarkooda ka maqan,waxaane maamulka Puntland ku soo badanaya Gadoodka Ciidamada ey hayso Mushaar la’aanta maalmo ka hor waxaa Gadooday ciidamo ka trsan Mileteriga kuwaaso xirtay wadada isku xirta magaaladda Boosaaso iyo garoonka diyaaradaha.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY RAAS-CASEYR.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS.