DAGAAL CULUS OO KA DHACAY RAAS-CASEYR.

(SAWIRKA)-BOOLISKA RAAS-CASYR.

(BOSAASO-BARI)-Wararka aan ka helayno caasimadda Goblka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaayo in Maxkamada ciidamadda Qalabka sida ee shanta Gobol”Bari,Haylaan,Karkaar,Raas-Caseyr iyo Sanaag”ayaa maant xukuno kala duwan waxa ey ku riday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha degaanada maamulka Puntland,eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa ka mid ahaay laba dumar ah oo mid ka mid ah ey jirto 19-sano. Dhinaca kale,waxaa war dheeraad ah laga helayaa iska hor imaad xoogan oo saakay ka dhacay degaanka Hursale kana tirsan degmada Caluula ee Gobolka Raas-caseyr. Sida la soo sheegay iska hor imaad ayaa u dhexeeyey ciidamadda Booliska ee Gobolka Raas-Casayr iyo Maleeeshiyo beeleed ka soo jeedo degaanka Hursale,dagaalka ayaa sababay dhaawac soo kala gaaray labad dhinac ee dagaalamay welina lama soo sheegin wax dhimasha ah. Dad goobjoogayaal ah kuna sugan degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in sababta keentay in la dagaalo ey tahay Muran ka dhashay qaabka loo qeybsanaayo hub la sheegay in Booliska Raas-Caseyr qabteen maalmo ka hor,hubka ayaa waxaa waday dooni si sharci dara ah Xeebaha Raas-casyr ku keentay hubkaasi iyadoo la xiray dhammaan ragii la socday doonta waday hubka la qabtay.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SWEDEN OO KA DIGTAY WEERARO KAGA YIMAADO IRAAN.

Next
Next

CIIDAMO GADOODSAN OO XIRAY SALDHIGA DHEXE EE GARAWE.