SWEDEN OO KA DIGTAY WEERARO KAGA YIMAADO IRAAN.
(SAWURKA)-BOOLISKA SWEDEN OO SOO QABTAY DEMBIILE.
(STOCKHOLM)-Saraakiil sare oo tirsan booliska dalka Sweden ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in dalka Iraan uu qorsheynaayo weeraro ka dhan ah dalka Sweden maalmo ka dib markii warbaahinta dalka Sweden ey sheegtay in laba Iraaniyiin ah looga tarxiilay dalka Sweden shirqool ey maleegayeen eyna rabeen iney ku dilaan seddex Yahuud ah oo Swedish ah dhawr sano ka hor. Horaantii todobaadkan TV-ga dalka Sweden ee SR waxa uu sheegay in laba Iraaniyiin ah loogana shakisan yahay iney qorsheynayeen iney dilaan xubno ka tirsan bulshada Yuhuuda ah ee Sweden. Waxaa labadaasi nin la xiray sannadkii 2021kii,waxaane dalka Sweden laga saaray sannadkii 2022-kii iyadoo aan lagu soo oogin wax dembi ah,sida ey sheegtay Idaacadda dalka Sweden. Daniel Stenling oo ah Madaxa la dagaalanka Argagixisada ee Hayadda Amniga Gudaha dalka Sweden ayaa u sheegay raadiyaha Swden maanta oo Khamiis ah “In dalka Iraan uu diyaarinaayo rabane inuu fuliyo hawlo looga gol leeyahay in lagu fuliyo waxa loogu yeero Weerar jireed oo ka dhan ah qof ama shey gudaha dalka Sweden”.
ISHA/AP.