SOOMAALIYA IYO JABAAN OO KALA SAXIIXDAY HESH…

(SAWIRKA)-WASIIE BIIXI IYO DANJIRE OGIHARA.

(NAIROBI)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige iyo Danjraha Dawladda Jabaan u fadhiya dalka Kenya Md.OGIHARA HIROSHI ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis ey dawladda Jabaan dalka Soomaaliya uga cafineyso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Jabaan ah taaso doolar ahaan u dhiganta $91,356.68. Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi ayaa daba socdo dhammeystirka hanaanka deyn cafinta ee Soomaaliya taaso ahayd go’aan ka soo baxay dalalka ku bahoobay Naadiga Paris horaantii bishii Maarso-2024-ka. Munaasabadda saxiixa oo ahayd mid kooban ka dib ayuu Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi IMaan Cige uu u mahad celiyey shacabka iyo xukuumadda Jabaan sida deeqsinimada leh ey ugu dhawaaqeen cafinta dhammaan deymihii ey ku lahaayeen Dawladda Soomaaliya,Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ey dhiirigelin u tahay DFS oo dadaal xoog leh ugu jirta dib u habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidia Dakhliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale. Danjiraha Dawladda Jabaan ee Kenya OGIHARI ayaa isna goobta ka jeediyey hadalo kooban saxiixa ka dib,waxa uuna dhinaciisa balan qaaday in dawladdiisa ey sii wedi doonto la shaqeynta Dawladda Federaalka Soomaaliya eyna ku garab istaagi doonto Mashaariicda Horumarineed oo ey ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MADAXWEYNIHII HIIRAAN STATE OO BAXSADAY.

Next
Next

SHIR KA DHACAY QAAHIRA OO LOOGA HADLAY..